Shiinaha ayaa si degdeg u bilaabay tijaabada laba tallaal oo loo sameeyay cudurka Coronavirus, iyado dalal badan ay dadaal ugu jiraan inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saaraan tallaal.
Tallaalka Shiinaha ee cudurka Covid-19 waxaa sameeyay koox uu hoggaaminayo dhaqtarka Chen Wei oo ka tirsan Akadeemiyadda Injineeriyadda ee Shiinaha, waxaana lagu sameeyay Xarumaha Sinovac Biotech iyo Wuhan Institute of Biological Products, bishii hore ayuuna maray wejigii koowaad, iyadoo hadda uu galay wejigii labaad oo ah in dad mutadawiciin ah lagu tijaabinayo.
Agaasimaha Wasaaradda horumarinta Bulshada ee Shiinaha Wu Yuanbin, ayaa sheegay in tallaalka uu Shiinaha gacanta ku hayo uu yahay kii ugu horeeyay ee wejiga labaad gala dunida oo dhan.
Maamulka Daawo soo saarista Shiinaha ayaa ogolaaday in labada tallaal ee Shiinaha lagu smaeeyay lagu bilaabiyo tijaabada dadka caadiga ah, iyadoo aan la shaacin xilliga ay labada tallaal diyaar noqon doonaan si loo isticmaalo.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa hore U sheegtay in talllaal kasta oo cudurka Covid-19 loo sameeyo u baahan yahay sanad ilaa sanad iyo bar inta aan la isticmaalin, waxaana hore tallaal kale tijaabo ugu bilaabay dalka Ingiriiska oo sheegay inay rajo ka qabaan tallaalkaasi inuu diyaar ku noqdo muddo 6 bilood ah.