Sunday, July 13, 2025

Shir dib u heshiisiin oo ka furmay Jowhar & wafdi ka socda dowladda Federaalka oo gaaray (Sawirro)

Iyadoo magaalada Jowhar loo diyaarinayo marti gelinta shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa maanta ka furmay halkaasi shirweyne dib u heshiisiin ah oo beelaha gobolkaasi lagu heshiisiinayo, waxaana maanta tegay wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Maxamed Cumar Ceymow, ayna kamid yihiin Wasiiru dowlaha gudaha C/rashiid Maxamed Xiddig, wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamed Axmed Nuur iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolkaasilagu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdigan oo ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa safarkooda lagu sheegay inay furan shir dib u heshiisiinta beelaha Sh/dhexe. Wafdigan  waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen iyo ku xigeenadiisa.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha gobolka Sh/dhexe ee ka furmay magaalada Jowhar waxaa khudbad ka jeediyay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo federalka Cabdrashiid Maxamed Xiddig oo sheegay in shirku muhiim u yahay maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo dowladu degdeg u bilaabi doonto.

DAAWO SAWIRRO

soo dhoweyn jowhar (1)

 

soo dhoweyn jowhar (3)

soo dhoweyn jowhar (5)

soo dhoweyn jowhar (7)soo dhoweyn jowhar (8)

soo dhoweyn jowhar (9)

soo dhoweyn jowhar (10)

soo dhoweyn jowhar (11)

soo dhoweyn jowhar (12)

soo dhoweyn jowhar (13)

soo dhoweyn jowhar (16)

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON