Wednesday, June 25, 2025

Shir looga hadlayay Qorshaha Amniga Somaaliya oo Muqdisho ka dhacay [Sawirro]

Shir looga hadlayay Istiraatiijiyada Amniga Qaran oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaasha Ciidanka Amaanka, hay’ada Socdaalka iyo jinsiyada, Wasaaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada. Iyo diblomaasiyiin ka socday Beesha Caalamka.

Waxaa shirka oo uu shir gudoominayay wasiirka amniga looga hadlay qorshaha amniga Somalia ilaa 2020 ka iyo wadooyinka loo marayo. Xubnaha ka socday dowlad goboleedyada ayaa shirka ka soo jeediyay in ay muhiim tahay in ciidamo boolis ah laga hirgaliyo gobollada oo dhan si amniga loo sii xoojiyo.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique lorenzo ayaa muujisay sida Beesha Caalamka ay uga go.antahay in Dowladda Soomaliya Amniga gacan laga siiyo isla markaana laga shaqeyo in shir weyn oo la qaban doono bisha December la diyaariyo qodobadii lala tagi lahaa.

Wasiirka amniga dowladda federaalka Somalia Mudane Mohamed Abukar Islow ayaa caddeeyay muhiimada shirka,  isagoo xusay in shirka labaad ee kan xiga la qaban doono  23-ka bisha soo socota.

“Waxaan diyaarinay qorshaha siyaasada Amniga Qaranka waxaa wasaaradda ka go’an in Amniga la hormariyo waan uga mahad elinaynaa Beesha Caalamka sida ay nooga caawineyso dib u dhiska hay’adaha Amaanka Dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON