Monday, July 14, 2025

Shir loogu tashaday dagaal lagu qaado Alshabab-ka Jubbooyinka oo ka dhacay Kismaayo

Shir gaara oo magaalada Kismaayo ku dhex maray Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, Ergeyaga Midowga Yurub ee Soomaaliya, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya , wakiilo ka socday dalka Itoobiya & wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Shirkan ayaa la sheegay in looga hadlayay dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab iyo sidii gobolada Jubbooyinka looga fulin lahaa howalgal ka dhan ah Alshabaab. waxaana gabagabadii shirka saxaafadda la hadlay Axmed Madoobe iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira.

Axmed Madoobe  ayaa sheegay in shirka arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlay ay ahaayeen xaaladda ammaanka oo  iyo sidii dagaal loogu qaadi lahaa  kooxda Al-Shabaab, dhismaha ciidamo qaran oo Soomaaliya yeelato, xoreynta dhulka ku maqan ee gacanta Shabaabka. Wuxuuna si cad u sheegay in dhismaha ciidamada Qaranka Soomaaliya, kuwa maamulkiisa iyo AMISOM ay iska kaashayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira ayaa isna sheegay inuu  la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM gaar ahan kuwa Kenya, Itoobiya iyo Burundi, wuxuuna intaas ku daray in howlgalka  guutada seddaxaad ee Kismaayo ay hore u socon doonaan.

Ergeyga Midowga Afrika ayaa sheegay inuu kulamoo la qaatay madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ka wadahadleen dardargalinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kuna faraxsan yahay wixii ka soo baxay shirarkii ay ku yeesheen Kismaayo.

 

Wararka ayaa sheegaya in la go’aamiyay aag dagaal oo xoog leh in AMISOM ka furo Jubbooyinka, iyadoo la bilaabayo dagaal lagu xoreynayo jubbooyinka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON