Shir madaxeedka 14-aad ee Urur Goboleedka IGAD ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Jabuuti, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka IGAD.
Madaxweynaha Eritrea ayaa ka maqan shirka oo ay muddo dheer ugu danbeysay, waxaana ku metalaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka Suudaan oo metelayo Sakaal ka tirsan Golaha Milatariga ee dalkaasi hoggaamiya.
Shirkan ayaa waxaa hareeyay dagaalka Suudaan ka socda oo ururka IGAD uu saddex madaxweyne u xilsaaray, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aano iyo sidii loo xalin lahaa dagaalkaasi oo bishii labaad socda.
Sidoo kale waxaa shirka Madaxda IGAD ee dalka Jabuuti ajendayaashiisa ka mida Nabadda, amniga iyo horumarka dalalka IGAD, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo uu socdo qorshe lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in dalalka Jabuuti iyo Kenya ay doonayaan in dib loo dhigo ciidamada ATMIS ee laga saarayo Soomaaliya, arrintaas oo ay hoos ka riixeyso dowladda Soomaaliya, waxaana shirka ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Somaliya ayaa kulamo gaara Jabuuti kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuuti, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya, dagaalka Alshabaab iyo xiriirada Soomaaliya iyo dalalkaasi.