Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa shirkii toddobaadlaha ahaa ee maamulka Gobolka Banaadir u bedelay inuu qabsoomo habeenkii.Shirkan ayaa xalay ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed in loo hadlay arrimo kala duwan, waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenada gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.
“Waxaan caawa shir-guddoomiyay kullankii 2aad ee Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Waxaan ka hadalnay nabadgelyada, nadaafadda & Anshaxa…” ayuu yiir Guddoomiye Taabit oo shir guddoomiyay shirkii labaa ee toddobaadle ah iyo shirkii koowaad oo ay ka qeybgalaan guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha cusub.
SWIRRO