Tuesday, June 24, 2025

Shirka Caalamiga ah ee Istanbul oo furmaya & dowladda Soomaaliya oo heshiisyo badan la saxiixaneysa Turkiga

Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya  looguna magac daray High-Level Partnership Forum oo ah kii saddexaad ayaa qabanqabadiisa ka socotaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, iyadoo wufuud Soomaali iyo ajnebi ah ay ku sii qulqulayaan dalka Turkiga.

Shirka waxaa ka qeyb galaya ilaa 40 dal oo Soomaaliya taageera oo ay isugu jiraan wasiiro arrimo dibadeedyo iyo madax kale, waxaana shirka iska xaadirinaya dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shirka ku saxiixi doona 6 heshiis oo labada dowladood wada galayaan, kuna saabsan arrimaha Dhaqaalaha, Kaluumeysiga, Ciidamada, Beeraha iyo heshiiyo kale oo si hordhac ah loo saxiixay.

Shirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo hanaanka doorshada  2016 la isla qaatay, balse ay diiday maamul goboleed kuwa Soomaalida, waxaana shirka wada tegaya madaxda, ganacsato iyo wakiilo ka socda qurba joogta Soomaalida.

Dalal badan ayaa la filayaa inay shaaciyaan balanqaadyo ku saabsan dib u dhiska iyo kaalmada Soomaaliya, waxaana ugu horeeya dowladda Turkiga oo heshiisyadii ugu badnaa la saxiixan doonta Dowladda Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON