Monday, June 23, 2025

Shirka Baarlamaanada Somalia iyo Maamul Goboleedyada oo maanta ka furmaya Baydhaba

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa maanta ka furmaya shirka Guddoomiyaasha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Magaalada waxaa xalay waxaa ku hoyday Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Maamul Goboleedyada.

Shirka ayaa socon doona mudo sadex maalin ah, waxaana lagana soo saari doonaa War-murtiyeed ku saabsan xoojinta iyo wad shaqeynta Golaha shacabka iyo Baarlamaanada Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowlada Dhexe.

Ad

Xaaladda ammaanka  Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa si wayn loo adkeeyay Amaankeeda maadaama Magaalada uu ka furmayo shirka Guddoomiayaasha Golaha shacabka Federaalka iyo kuwa Maamulada Dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON