Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay shirka Guddoomiyaasha Baarlamaannada dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada.
Waxaa shirka ka qeyb galaya Guddoomiyaasha Baarlamaanada maamul Gobaleedyada dalka intooda badan, marka laga reebo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana arrimaha looga hadlayo ka mida inay yeeshaan wada-shaqeyn joogto ah iyo Madal ay ku mideysan yihiin.
Shirkaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Guddoomiyaasha Baarlamaanada maamul Gobaleedyada Dalka iyo Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo socon doona muddo Saddex cisho ah.
Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin hanaanka wada shaqeynta Gudoonka Golaha shacabka iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.