Monday, July 14, 2025

Shirka Cadaado: Ergo loo qoondeeyay beelaha qaarkood iyo beelo kale oo bannaanka ka jooga shirka

Wararka laga helayo degmada Cadaado ee loo fadhiyo shirka maamul u sameynta goboladda dhexe ayaa sheegaya in beelaha gobolada dhexe qaarkood loo qoondeeyay ergooyinka shirka uga qeyb galaya tirada ay ka helayaan, halka beelo kale ay gebi ahaan diidan yihiin qaabka shirka loo wado oo ay qaadacsan yihiin shirka.

cadaadoss

Ergada guud ee shirka ayaa hore loo go’aamiyay inay noqon doonto 356.

Beesha H/Gidir ayaa la sheegay in la siiyay 106 xubnood oo ka mida ergada

Beesha Murusade ayaa iyana loo qoondeeyay 53 xubnood

Beesha Duduble ayaa la sheegay in loo qoondeeyay 33

Waxaa diiday shirka iyo qaabka loo wado beelaha:

Waceysle

Mareexaan

Dir iyo Sheekhaal

Wasiirka arrimaha gudaha oo uu wehliyo wasiirka qorsheynta dowlada federaalka oo ku sugan Cadaado ayaa dadaal ugu jira sidii ay u qancin lahaayeen Cabdi Qeybdiid oo guddi farsamo ka dhinac sameeyay guddigii dowladda Federaalka isla markaana caqabado badan ku hayay shirka Cadaado, iyadoo wararka hordhac ah ay sheegayaan in la qanciyay Qeybdiid markii heshiis hoosaad lala galay.

Shirka oo daba dheeraaday ayaan weli lagu guuleyan si xaq ah loo qeybsado ergada shirka ee wax dooraneysa, waxaana jira diidmo weyn oo qorshaha guddiga farsamada ay beelaha qaarkood ku diidan yihiin, iyadoo dhinaca kale aanu weli furmin shirkii mar haddii ergadii iyo sidii loogu qeybin lahaa la isku heysto.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON