Tuesday, July 15, 2025

Shirka Hiigsiga cusub oo Beri ka furmaya Muqdisho & Xarun gaar ah oo loo diyaariyay

29-ka Bisha July oo ku beegan berito waxaa magalaadda Muqdisho ka furmaya shir heer  caalami ah oo looga hadali doono  arrimaha hiigsigacusub ee (New Deal) 2016-ka  iyadoo lagu soo bandhigayo waxqabadka dowladda Soomaliya  ee dhinacyada dhismaha maamulada, siyaasadda, amniga, hormarinta dalka  iyo suurta galnimadda in doorasho  dhacdo sanadka 2016-ka.

Waxaa la filayaa inay shirka kasoo qeyb galaan ilaa 40 wakiilo ka kala socda beesha caalamka oo taageera dowlada Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya shirkan qabanqaabadiisa la wada Q/Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ee UNPOS.

Xalane

Waxaa Muqdisho laga dareemayaa diyaar garow ku saabsan shirkan oo loo diyaariyay inuu ka dhaco xaruntii  ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni oo dhinaca ku heysa garoonka diyaraadaha Muqdisho. Xaruntaas oo UN-ka uu diyaariyay waxaa maanta booqday Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo wasiiro la socda.

Kulanka ayaa ahmiyad weyn u leh dowladda Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka  qorsheynta iyo iskaashiga calamiga ah ee Soomaliya C/raxmaan Yuusuf Caynte oo intaas ku daray in shirka looga hadlayo  mashaariicda ay Midowga Yurub u ballan qaadeen hiigsiga cusub.

Shirka ayaa waxaa wada guddoomin doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, waxaase qaadacay qaar ka mida maamulada dalka ka jira sida Puntland.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON