Shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe ayaa si qarsoodi ah uga socda Magaalada Jowhar.
Shirka oo dib u furistiisa aan wax xaflad ah loo sameynin ayaa la sheegay inay wadaan IGAD iyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, waxaana shirar kala gaar ah ay la yeesheen odayaasha dhaqanka labada gobol.
Axadii 11-ka bisha ayay ahayd markii shirkii ugu dheeraa dhex maray IGAD, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Odayaasha ku sugan magaalada Jowhar, waxaana lagu wargeliyay odayaasha inay soo xulaan 71 xildhibaan oo baarlamaanka cusub ee maamulkaasi ka koobnaan doono
Waxaa la sheegay in madxweynaha maamulka cusub oo aan weli loo sameyn magac iyo dastuur la dooran doono 3-da Oktoobar.
Lama oga qaabka arrintan ku hirgeli doonto, waxaase muuqata in shirku si hoose ku socdo, lana doonayo in maamul lagu dhawaaqo iyadoo madaxweynaha maamulkaasi hore loo diyaariyay sida ay baahisay Goobjooge.com
AKHRI: Itoobiya & IGAD oo Madaxweyne ka soo jeeda Hiiraan ku caleemo saaraya Shirka Jowhar
XOG CULUS: Itoobiya & IGAD oo Madaxweyne ka soo jeeda Hiiraan ku caleemo saaraya Shirka Jowhar