Shirka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo uu noqonayo shirkii ugu horeeyay ee ay yeelaneyso MADASHA WADATASHIGA QARAN oo lagu dhisay shirkii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacay.
Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa intooda badan maanta imaanaya magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkan looga hadlo sidii loo buuxin lahaa xubnaha Madashada Qaran oo ay ka mid yihiin xildhibaano federaal ah, wasiiro xukuumadda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Shirkan oo noqonaya kii labaa ee noociisa ah ee Muqdisho ka dhaca, waxaa maamulka Jubba isku dayay in Kismaayo lagu qabto taasoo u socon weyday, waxaana qabanqaabada shirka qeyb weyn ka ah Xafiiska siyaasadda Q/Midoobay ee AMISOM oo bixinaya kharashka shirka.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa shirkan ka wada qeybgeli doona iyadoo laga yaabo inuu saacado dib u dhaco, safarka hogaamiyeyasha ay Muqdisho ku soo gaarayaan dartiis.
Goobjooge.com