Heshiiskan ku saabsan dekadda Boosaaso ayay maanta kala saxiixdeen Maamulka Puntland iyo Shirkada DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxa shirkada P&O (DP WORLD) Sultan Ahmed Bin Suleyman ayaa magaalada Dubai ku kala saxiiday heshiiskan.
1 – Puntland waxay ogolaatay in shirkadani la wareegto maamulka Dekadda Boosaaso waxaana ay maamulaysaa 30 sano oo ka bilaabaysa maalinta heshiiska la saxiixay.
2 -Shirkada DP World waxay dhisaysaa Dekad cusub oo Balaceedu yahay 450 mitir, joogeeda hoosena yahay 12mitir .
3 -Waxaa la dayactiri doonaa oo la balaarin doona Dekadda Boosaaso ee hadda shaqeysa.
4 -Kharashka Shirkadan gelinayso Dekadda waa $336 Million, oo wejiga kowaad la bixinayo $200 Million.
5 -Dhismaha Dekadda waxaa lagu dhameystiri doonaa 24 bilood oo ka bilaabaneysa marka heshiiska la saxiixo.
SAWIRRO
Goobjooge.com