Thursday, June 26, 2025

Shirkad Imaaraad ah oo la wareegeysa maamulka & Dib u dhiska Dekadaha Merka & Baraawe

Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya iyo Shirkadda DP World ayaa kulamo ay ku yeesheen magaalada Abu Dhabi uga hadlay heshiis ku saabsan dib u dhiska Dekadda Baraawe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo safar cumro ah ku sii jeeday ayaa qeyb ka ahaa wadahadalka labada dhinac dhex maray oo la filayo in heshiis lagu gaaro qorshe Shirkadda Imaaraadka kula wareegeyso dib u dhiska iyo maamulka Dekaddaha Marka iyo Baraawe.

Shirkadda ayaa la sheegay inay sahan ku sameyn doonto labada dekadoo tan ku haboon dib u dhiska, iyadoo kulamo kale oo labada dhinac yeelan doonaan la filayo in heshiis kama dambeys ah lagu saxiixo.

Kulanka mas’uuliyiinta shirkadda DP World  iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex mara.

DP World ayaa hore ula wareegtay dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxaana qorshaha ugu jira inay sidoo kale la wareegto Kismaayo, iyadoo dadaal ay ugu jirtay dekadda Muqdisho uu hakad soo galay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON