Tuesday, June 24, 2025

Shirkadaha Diyaaradaha ee adeegsada Garoonka Muqdisho oo shaqo joojin ku dhaqaaqay

Shirkadaha Diyaaradaha ee adeegsada Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa maanta ku dhaqaaqay shaqo joojin.

Shirkadaha ayaa ka cabanaya khidmado cusub oo lacageed iyagoo ku dooday inaysan bixin karin, arrintaas oo markii laga diiday ay ku dhaqaaqeen inay joojiyaan dhammaan duulimaadyadii qorsheysnaa.

Waxaa saaka laga war helay inaysan jirin wax duulimaad ah oo ka baxay ama yimid Garoonka Adan Cadde.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii Shirkadda Maamusha Garoonka Aadan Cadde ee Favori ay lacag ku soo rogtay Shirkadaha Duulimaadka ee Garoonka Aadan Cadde adeegsada.

Shirkadda FAVORI ee Turkiga ah oo maamusha Garoonka Aadan Cadde ayaa la sheegay inay 30% kordhisay lacagihii laga qaadi jiray diyaaradaha u kala duula gudaha iyo dibadda ee adeegsada garoonka Muqdisho.

Is-mari waagan ayaa lagu fashilmay in xal loo helo kadib markii shirar dhowr ah oo dhex maray maamulayaasha shirkaddaha diyaaradaha iyo madaxda Shirkadda FAVORI wax natiijo ah lagu gaarin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON