Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in shirkadaha diyaaradaha ee tegi jiray magaalada Baydhaba.
Diyaaradahan oo si caadi ah maalin waliba rakaab iyo alaabo kale u qaadi jiray magaalada Baydhaba ayaa tallaabadan u qaaday muran ka dhashay lacago lagu soo rogay diyaaradaha ka dega garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaalada Baydhaba.
Maamulka Koonfur Galbeed ee Garoonka diyaaradaha Baydhaba ayaa diyaaradaha ka degaya garoonka Baydhaba ayaa kordhiyay lacagta laga qaado diyaaradaha ka dega garoonkaasi oo markii hore laga qaadi jiray $200 iyadoo laga dhigay $400.
Ma jirto diyaarado tegaya Baydhaba, waxaana socda waawaan lagu doonayo in lagu xaliyo arrintan, iyadoo diyaaradaha ugu badan ay isaga gooshi jireen Muqdisho iyo Baydhaba.
Goobjooge.