Thursday, June 26, 2025

Shirkadda FACEBOOK oo xayiraad ku soo rogeysa Dadka adeegsada Facebook Live [Yuu saameynayaa?]

Shirkadda ugu weyn baraha bulshada ee Facebook ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku xadiddeyso muuqaallada tooska ah ee laga baahiyo adeeggaasi,, iyadoo lasoo saarayo shuruucda ku saabsan muuqaallada tooska ah ee Facebook.

Mas’uuliyiinta Shirkadda ayaa soo rogay go’aamo adag oo dadka loo arko iay dhinac mareen sharcigeeda laga mamnuuci doono inay si toos ah muuqaallo baahiyaan Facebook-ga, waxaana dadkaasi ka mida kuwa baahiya falalka argagixisada, is-naceybka iyo muuqaallada ay ku jiraan meydad iwm.

Go’aanka shirkadda Facebook ayaa ka danbeeyay markii si weyn loogu eedeeyay inay ka gaabisay koontaroolka muuqaallada tooska ah ee ka baxa barta Facebook, kadib markii ninkii Caddaanka ahaa ee weerarka ku qaaday Masjidyada dalka New Zealand uu muuqaal toos ah ku baahiyey bartiisa Facebook.

Arrintaasi kadib waxaa Facebook lagu cambaareeyay inay fududeyso falalka dembiyada ah, ayna ku guuldarreysatay inay joojiso muuqaallada tooska ah ee dilka iyo naceybka muujinaya, waxaana codsiyo u diray Madaxda dalalka Britain, Faransiiska iyo New Zealand

Qofkii ku xadgudba Facebook Live ama lagu helo inuu baahiyey arrimo xiriirta falalka argagixisanimada ama muuqaallada dilka ayaa laga joojin doonaa Facebook Live muddo dhan 30 malamood ahm kadibna waxaa xigi doono tallaabooyina kale haddii uu ku celiyo.

Soomaali badan ayaa adeegsata Facebook Live, waxayna u badan yihiin qaar siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo lagu gudbiyo farriimo u badan been iyo anshax darro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON