XShirkadda diyaradaha Jubba Airways ayaa xajka sanadkan ka baajisay boqolaal Soomaali ah oo lacag iyo Baasaboor ay ka qaadeen waqti hore, kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay lagu soo wargeliyey in loo waayay Visaha Sacuudiga.
Dad ku dhow 1000 ayaa la sheegay inay shirkadda Jubba sanadkan ka baajisay Xajka, iyadoo ay heystaan caqabado kala duwan oo isugu jira fiisooyinka Xajka iyo diyaarad xumo, iyadoo hore u ahayd shirkadda ugu weyn ee arrimaha xajka oo heysatay leynka Xajka Soomaalida ee Sacuudiga.
Caqabadda kale shirkadda Jubba Airways qabsaday ayaa la sheegay inay ahayd iyadoo cilad qabsatay diyaaradii tegi lahayd xajka, waxayna dadka ay u qaaday sanadkana xajka ay ku daad gureysay diyaarad yar oo sii geysay Jabuuti iyo magaalooyin kale, halkaasoo diyaarado kale ay ku xawishay.
Xildhibaankja Ganacsadaha ah ee leh shirkadda Siciid Nuur Giriish ayaa dagaal la galay madaxda dowladda isagoo hore u diiday inuu dhimo qiimaha Xajka, iskuna dayay inuu keligiis heysto leynka duulimaadka xajka; laakiin olole xoog leh oo ay qaaday xukuumadda Kheyre ayaa ku guuleystay in meesha laga saaro leynka Ganacsadaha iyo shirkadda Jubba Airways.
Xaaladda qabsatay shirkadda Jubba xilli ay shirkadaha kale xujeyda sanadkan u qaadeen si habsami leh ayaa lagu tilmaamay inuu yahay nabsi kasoo baxay shirkadda iyo maamulkeeda oo muddo dheer dhibaato ku hayey xujeyda Soomaalida.