Shirkadda Qarniga ee Tuke Travel ayaa markii ugu horeeysay ka hergilisay adeegyo cusub oo casri guud ahaan dalka Sweden.
Shirkadda Tuke Travel ayaa qabatay bandhig ay kasoo qeybgaleen dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan, halkaas oo lagu soo bandhigay website-ka cusub ee tuketravel.se oo uu macamiisha ay si toos ah uga iibsan karo ticket-ka dhmmaan diyaaradaha dunida iyagoo jooga gurigooda iyo goobtooda shaqo.
Tuke Travel ayaa Soomaalida Sweden u keentay adeegga u suuragelinaya inay si toos ah u maamushaan safarradooda waqti kasta iyo meel kasta oo caalamka ka joogaan ayna jartaan tikidhadooda, adeegan ayaa noqonaysa adeegii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee ay Soomaali ka hergeliso dalkan Sweden.
Waxaa la aaminsanyahay in adeegan cusub ksuoo kordhin doono bulshada Soomaaliyeed fekrado cusub oo wax ku ool ah.