Wednesday, June 25, 2025

Shirkii Cadaado oo cakiran iyo saxiixayaasha oo Muqdisho looga yeeray

Wararka laga helayo degmada Cadaado aya asheegaya in weli la isku mari la’ yahay shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe ee Cadaado, kadib markii khilaaf ku saabsan guddiga farsamada ka dhex aloosmay odayaasha dhaqanka iyo saxiixayaasha oo sheegay inay kala direen guddigaasi kuna eedeeyay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay inay la safan yihiin musharax ay wadato dowladda federaalka.

 

[ad name=”HTML-1]Qeybiid_Baarlex

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali  ayaa wararka sheegayaan inuu Muqdisho  ku casuumay in ay yimaadaan Saxiixayaasha Maamulka loo sameenayo Gobolada Dhexe ee Dalka oo kala ah maamulada Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Ahlu sunna.

Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ayaa hormuud u ah xaaladda cusub ee ka taagan shirka Cadaado, waxaana la sheegay inuu gacan weyn ka heysto Ahlu Sunna iyo inta badan maamulka Ximan iyo Xeeb, Haddii dhinacyadan aqbalaan inay Muqdisho yimaadaan waxaa bilaaban doona waanwaan cusub oo ku saabsan sidii loo socodsiin lahaa shirka Cadaado oo meel halis ah gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waday inuu Cadaado tago si uu xaalada qasan ee shirka wax uga bedelo, laakiin tallaabada Ra’iisal wasaaraha ayaa u muuqata dadaal kale oo lagu doonayo in shirkan muranku hareeyay lagu jiheeyo.

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON