Wednesday, July 2, 2025

Shirkii Golaha wasiirada ee maanta oo lagu magacaabay Guddi dib u eegaya Mooshinka Madaxweynaha

Golaha Wasiirada  Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee Khasmiislaha, iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke, waxaana  kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin:

gole

  1. Xaaladda Amniga Dalka
  2. Geedi socodka dib u eegista Dastuurka.
  3. & Mooshinka Madaxweynaha

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dowladda Federaalka sanada 2016, waxa uuna soo bandhigay jadwal waqtiyeysan ee howsha dib u eegista Dastuurka kaasoo lagu soo ansixiyay shirkii madasha heerka sare ee wadahadalka Muqidsho.

Golaha Wasiirada waxa ay ka wada hadleen qodobada lagu xusay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ee horyaala Baarlamaanka, waxaana la isla qaatay in la saxo wixii khaladaad ah ee jira, iyaga oo u xil saaray guddiga siyaasada iyo guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiirada, si ay talo kama dambeys ah uga keenaan, dibna ugu soo celiyaan shirka dambe ee golaha Wasiirada.

Dhanka Kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee Xaquuqda caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaana loo magacaabay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, waxayna magacaabistani ka dambeysay kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu tixgeliyay baahida loo qabo xoojinta iyo horumarinta xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha.

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON