Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa qas ka dhex abuuray shirka magaalada Kismaayo uga furmay madaxda dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada kadib markii uu diiday inuu qeyb ka ahaado shir madaxda Somaalida uga hadlayaan hiigsiga cusub.
C/weli Gaas ayaa dalbaday in la fasaxo si uu dib ugu laabto magaalada Gaalkacyo isagoo diiday inuu ka qeyb galo shir uu qeyb ka yahay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Puntland ay go’aan ku qaadatay inaysan aqoonsan maamulkaasi, isla markaana xiisad kala dhaxeyso.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa kula taliyay inaan lagu kala tageynin shirka Kismaayo iyadoo aan go’aan loo dhan yahay laga soo saarin madaxda Soomaalidana ku tirtirsiiyay inay meel iska dhigaan khilaafaadka u dhaxeeya. Shirkii maanta ayaa xirmay markii uu socday muddo kooban iyadoo weli la isaga dab qaadayo madaxda Soomaalida.
C/weli Gaas ayaa ku adkeysnaya inuusan u tegin Kismaayo wax ka baxsan caleemo saarka Axmed Madoobe oo aanu diyaar u ahayn shir kale oo halkaas ka dhaca.
Faahfaahin kale filo
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]