Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay furitaanka Shirkii dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo lagu waday inuu furmo 01-da September, 2015 oo ku beegan berito.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, C/fataax Daahir ayaa sheegay in arrimo jira awgood dib loogu dhigay furitaanka Shirkaasi, mana bixin faahfaahin intaas ka badan. Afhayeenku ma sheegin sidoo kale xilliga uu mar kale furmayo shirkaasi iyo weliba goobta uu shirku ka dhacayo oo aan weli go’aan laga gaarin.
Dib u dhaca shirka ayaa waxaa ugu wacan mooshinka laga keenay madaxweynaha oo ay ku mashquuleen wasiirada iyo madaxweynaha oo shirkan riixayay, waxaana uu hakaday iyadoo la filayay in la dhiso guddiga farsamada ee shirka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]