Thursday, June 26, 2025

Shirkii Madaxda Soomaalida ee Kismaayo oo lagu kala tegay (Yaa fashiliyay shirka?)

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii la filayay inuu halkaasi ku dhex maro dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulada dalka ka jira lagu kala tegay kadib lagu fashilmay in C/weli Gaas madaxweynaha Puntland lagu qanciyo ka qeyb galka shirkaasi.

madaxdeena

Sii-hayaha Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland C/qani Cabdi Jaamac oo markii lagu fashilmay shirka  magaalada Kismaayo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkii la  filayay in madaxda Soomaalida uu ku dhexmaro magaalada Kismaayo uu baaqday.

Shir kale ayaa lagu balamay in 20 bishan September  lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn inuu qabsoomi doono shirka cusub ee  madax Maamulada iyo Madaxda Dowladda Federaalka oo hiigsiga cusub looga doodayo.

Madaxda Soomaalida ayaa galay sawiro wadajir ah, waxayna xaaladu ku dhamaatay khilaaf iyo kala tag uu sababteeda lahaa madaxweynaha Puntland oo ka gows heysta inuu shir la fariisto dhiggiisa Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-2″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON