Shirkii ugu horeeyay ee uu guddoominayo Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka furmaya

0

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in heer sare ah uu halkaasi ka furmi doono maanta, iyadoo uu guddoominayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan waxaa ku baaqay, soona qabanqaabiyay madaxweyne Farmaajo iyadoo ay ka qeyb galayaan  dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyda dalka, wakiilada beesha caalamka iyo Hay’adaha caalamiga ah ee deeqda bixiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir guddoominaya kulanka oo ah mid looga hadlayo xaaladda abaaraha dalka sida iyo sida wax looga qaban karo, waxaana loogu magac daray “GURMADKA ABAARAHA…”.

Shirarkii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo la yeeshay beesha caalamka ayuu hordhigay qabashada shirkan  oo ujeedkiisu yahay in la isku duwo howlaga gurmadka abaaraha.

Goobjooge.com