Qaar ka mida odayaasha Dhaqanka Somaliyeed ayaa isagu tegay degmada Qardho ee Gobolka Bari, halkaasoo uu maanta uga furmay shirweyne.
Odayaasha isugu tagey Magaalada Qardho, ayaa isugu jira Malaaqyo, Ugaasyo, Isimo, Wabarro iyo Nabadoono, waxaana la sheegay inuu muddo saddex maalmood ah shirku socon doono.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono sidii dib u heshiisiin dhab ah loogu sameyn lahaa dadka Somaliyeed, si ay nabad ugu wada noollaadaan.
“Shirkan waxaa looga hadli doonnaa dib u heshiisiin dhab ah in dadka Somalidu la dhex dhigo, oo la heshiisiiyo, inay nabad ku wada noollaadaan, in is dhex markii iyo is walaaleysigii iyo sidii Somalidu dhaqanka u lahaan jirtay la raadsho.” Ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.
DAAWO SAWIRRO