Thursday, July 3, 2025

Shirweynaha Wadatashiga Beelaha Hawiye oo ka bilowday Muqdisho (Guddi Maamul u dhisa G/Banadir oo..)

Shirweynaha Wadatashiga Beelaha Hawiye ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan odayaasha dhaqanka beelaha, Waxgarad iyo qeybaha bulshada.

Shirkan oo ay hore isu hortaagtay inuu dhaco magaalada Muqdisho ayaa lagu waday inuu furmo Isniintii, waxaana ku yimid dib u dhac hal maalin ah, iyadoo la iska dhega tiray diidmadii hay’adaha Amniga dowladda ku diideen qabsoomidda shirkaasi.

Maxamed Xasan Xaad oo ka mida odayaasha dhaqanka ayaa shirka ka sheegay in naald adag ay dalka ka jirto, taasoo ka dhalatay Doorasho la doonayo in lagu shubto oo qolo isku cabireen, wuxuuna ka codsaday Madaxweyne Farmaajo inuu qabto Doorasho la mida tii uu ku soo baxay, xilkana ku wareejiyo sidii loogu wareejiyey.

“Waxaan ka rabnaa Madaxweyne Farmaajo doorasho xalaal ah inuu qabto.. waa in doorashada laga heshiiyo, xalaal noqoto oo wadar ogol noqoto.., haddii la waayo wixii yimaada mas’uuliyadda Madaxweynaha ayaa iska leh..” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud Xaad.

Mar uu ka hadlay xaaladda Gobolka Banadir ayuu sheegay inuusan Gobolku ku socon karin in lagu maamulo Wareegto kasoo baxda Madaxtooyada, ayna magacaabi doonaan Guddi soo dhisa maamul uu leeyahay Gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay inuu dulqaadkii ka dhammaaday, Gobolka Banaadirna aan lagu sii wadi karin Wareegto madaxweyne iyo Dad ka shaqeysanaya. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in shirku Guddi u sameyn doono arrinta Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON