Sunday, July 13, 2025

Siciid Deni oo magacaabay Xilalkii ugu badnaa ee Maamulka Puntland (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa xalay xilli danbe soo saaray wareegtooyin is daba joog ah oo uu xilal kala duwan ugu magacaabay mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Xubnaha la magacaabay ayaa isugu jira Agaasimeyaal, Agaasimeyaal ku xigeeno, taliyeyaal ciidan, La-talyeyaal iyo guddoomiyeyaal Gobol, waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo xiisadii ka dhalatay Doorashada iyo furista Dasuurka Puntland ay taagan tahay.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa u badan Beesha magaalada Garowe oo khilaafka weyni kala dhaxeeyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, waxayna xilalka iyo mas’uuliyiinta la magacaabay kala yihiin:

AGAASIMEYAASHA

1. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

2. Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda

3. Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

5. Waxaa Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland

6. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Faramyeeri) loo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

7. Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Maxamed loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland

8. Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland

9. Waxaa Sharmaarke Yaasiin Cali loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

10. Waxaa Xasan Maxamed Ciise (Goodir) loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

11. Waxaa Shaafici Maxamed Ismaciil loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Daaqa iyo Isbedelka Cimaladda

12. Waxaa Cabdixakiin Maxamed Cismaan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

13. Waxaa Cabdifitaax Salaad Aadan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamulwanaaga

14. Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

TALIYEYAASHA

1. Waxaa G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire loo magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandoosta Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland.

LA-TALIYEYAAL

1. Waxaa Cabdi Cali Qarjab loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.

2. Waxaa Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta

GOBOLLADA

1. Waxaa Cumar Cismaan Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu

2. Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

3. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar

4. Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag

5. Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu

6. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

7. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal

8. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON