Wednesday, June 25, 2025

Sidaan miyuu ahaa Mashruucii Dayactirka Wadooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir..?! [Daawo Sawiro yaab leh]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa maanta la sheegay inuu  xariga ka jaray  dayactir lagu sameeyay jid laami ah oo Maamulka Gobolka banaadir dib u dayactiray,  jidkaas oo ah kan isku xirta Dekadda Muqdisho iyo Isgoyska Ceelgaab.

Xafladaasi waxaa ka soo qqeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka  oo ay ku jiraan guddonmiye ku xigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in tobanka bishii Febraayo la dhagax dhigay, haatanna lagu guuleystay in dib u dayactir lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale ayaa isna sheegay in dhismaha jidkaasi uu fuliyay maamulka Gobolka Banaadir, kana mid yahay mahshruuca dalkaada dhiso oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay.

SIDAN MIYAA MASHRUUCA DALKAADA DHISO??

Goobjooge.com si dhow ula socotay mashruuca dalkaada dhiso oo Maamulka Gobolka Banaadir doonayo inuu ku xalaaleysto hantida dadka shacabka ah ee Muqdisho looga qaatay Canshuurta Guryaha ayaa soo bandhigeysa sida jidkan loo dayactiray oo ah wax laga xishoodo in lagu tilmaamo mashruuc dib u dhis.

Jidka la sheegay in dayactirka lagu sameeyay waxaa howsha laga qabtay oo dhami ay tahay in dhowr fuusto oo laami ah iyo jaay lagu karay meelihii uu jidkaasi ka burbursanaa, taasoo hore loogu fashilmay in lagu dayactiro wadooyinka Muqdisho, waxaana marag ma doonto ah in jidkaasi aan dhowr bilood xitaa sii jiri karin. Mashaariic badan oo sidan oo kale ay lacag ku bixisay gobolka banaadir intii uu guddoomiyaha ka ahaa Maxamud Axmed Nuur Tarsan oo qaarkood ay lacago ku bixiyeen hay’ado caalami ah iyo dalal shisheeye ayaa wada fashilmay, iyadoo la ogyahay in ilaa saddex dayactir oo lagu sameeyay wadada Maka Almukarama lagu ceeboobay.

Dayactirka wadooyinka Muqdisho haddii uu sidan yahay, waxaa haboon in la iska daayo gebi ahaanba, wadooyinka kaliya ee sida saxda ah loo dayactiray dibna loo dhisay waa kuwii uu dhisay Turkiga, iyo wadadda hormarta Shirkadaha Isgaarsiinta ee Isgoyska Howlwadaag ilaa Baar ubax oo ganacsato Soomaaliyeed howl dhaqaale ku bixiyeen. Laakiin Fuustooyin laami ah oo lagu dhalaaliyay dhincyada wadooyinka iyo wado kar noocaasi ah la saaray waxay uun ceeb u soo jiidi doonaan maamulka Gobolka Banaadir ee looga fadhiyay inuu dib u dhis rasmi ah ku sameeyo wadooyinka Gobolka Banaaadir. Waxaana lumaya kalsoonidii yareyd ee dadku ka qabeen in dib u dhis uu sameeyo maamulka uu madaxda ka yahay Yusuuf Jimcaale.

DAAWO SAWIRRO SIDA DAYATIRKU U DHACAY

dayactir01
QAABKA LAAMI KARINTA IYO KABKA WADADDA
dayactir02
SHAQADII KABKA WADDADA OO SOCOTA
dayactir03
LAAMI KARINTAN OO KALE HORE AYAA LOOGU HUNGOOBAY
dayactir2
FIIRI MUUQAALKA WADADA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR DAYAC TIRAY
dayactir
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA OO XARIGA KA JARAY DAYACTIRKA WADADA
dayactir3
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA OO KU FARAXAN MASHRUUCA DAYACTIRKA WADADA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON