Sunday, July 6, 2025

Sidee Ciidamadii Itoobiya ee Saldhigga Halgan uga badbaadeen weerarkii Alshabaab?

Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu ahaa degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa ka badbaaday howlgal loogu talogalay in lagu xasuuqo oo Alshabaab u soo maleegeen, kaasoo la mid ahaa weerarkii Ceelcade ee lagu laayay askarta Kenya.

Alshabaab ayaa weerarkooda ku daah furay Weerar is-miidaamin ah oo lala  beegsaday albaabka hore ee saldhigga ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay inay labada jiho ee Bariga iyo Waqooyiga uga daateen saldhigga Itoobiyaanka ku jireen, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in weerarkii hore ay ku gacan sareeyeen maleeshiyada Alshabaab oo Saldhiga dhinaca kale uga baxay.

Ciidamada Itoobiya ayaa intooda badan u gurtay  togga u dhow xerada, halkaasoo ay difaac ka galeen intii aan ku waxyeeloobin, waxaana markaas kadib gurmad ahaan ugu yimid diyaarado helikobtar ah oo caawiyay ciidamada Itoobiya, taasoo keentay in si weyn loo jebiyo maleeshiyadii Alshabaab, isla markaana ay dhimasho fara badan ka badbaadaan ciidamada Itoobiya, dagaalka socday muddo ka badan 2 saacadood.

Alshabaab ayaa sidoo kale weerartay xero ay ciidamada Milateriga Soomaaliya ku lahayeen halkaasi inkastoo weerarka intiisa badan ku socday saldhigga Itoobiyaanka.

Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya laga dilay 9 askari iyadoo in badan toban kalena ay dhaawacmeen, laakiin dowladda Itoobiya ayaa haba yaraatee beenisay wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray ciidamadooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON