Dayax madoobaadka Caawa laga arkay dunida inteeda badan wuxuu ahaa midkii qarniga 21-aad oo kaliya aan ugu waqtiga dheereyn, balse wuxuu watay cajaa’ib fara badan oo siyaabo kala duwan dadku u arkeen.
Malaayiin ayaa dunida oo dhan kala socotay, wuxuuna dayaxa isu bedelay madow, guduud, hurdi gaduud xigeen ah iyo midabo kale, waxayna dadku ku kala duwanaayeen qaar farxad iyo muuqaal ka qaadis ku mashquulay iyo muslimiinta oo masaajidda ku cararray si ay salaad suno ah u tukadaan oo ay Alle Bari u sameeyaan.
Dayaxa ayaa ku bilowday inuu marka hore qeyb ahaan madoobaado, kadibna wuxuu gebi ahaan noqday mid guduudan oo si tartiib ah dayaxa oo dhami qarsoomay, wuxuuna mar kale dib u bilaabay inuu si tartiib qeyb uga ifo isagoo soconaya in ka badan 4 saacadood.
HOOS KA DAAWO QAAR KA MIDA MUUQAALADII UGU YAABKA BADNAA EE LAGA QAADAY DAYAX MADOOBAADKA