Waxaa maanta Muqdisho lagu gubay labo kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee Khamriga, kaasoo la sheegay inay dalka soo geliyeen ganacsato 2 sano ka hor. Waxaa lagu burburiyay goob fagaare ah oo ku taala Muqdisho, iyadoo kadibna la aasay, taasoo ay amartay Maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan Booliska.

[blockquote style=”2″]Gaashaanle sare Maxamuud Sheegow oo ah taliyaha hogaanka ilaalinta canshuuraha ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo sano kahor markii laga soo dejiyay dekadda magaalada Muqdisho, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo khatarta Maandooriyahan, aynaMaxkamaddu fududeysay burburinta maandooriyahan.[/blockquote]
[blockquote style=”1″]Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi oo isna halka Khamriga lagu burburinayay ka sheegay in markii loo soo gudbiyay arrintan ay amar ku bixiyeen in la bur buriyo, isagoo xusay inay jiraan kuwa amar diido iyo is hortaag isku dayay inay sameeyaan oo la xiray, isla markaana shaqsiyaadkii arrintan magaalada soo geliyay baaritaanno lagu hayo.[/blockquote]
Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Daahir ayaa isna ka mahadceliyay arrintan.
Ka sokow arrintan tallabada horumarka leh, hadana waxa isweydiin leh:
1. Sidee muddo laba sano loo hayay shixnadan?
2. Ma jiri kartaa inay intaasi ka badneyd oo qaar kale laga saaray dekadda?
3. Aaway dadkii dalka soo geliyay maandooriyahan mamnuuca ah? ileyn suuragal maaha in la waayo ganacsato shixnad dekadda kasoo dejisay?
4. Ma sidaas ayaa looga hari doonaa mise hay;adaha sharciga dowladda wax ayay kaqaban doonaan su’aalahan?
Wixii soo kordha kala socda halkan insha allaah