Wednesday, June 25, 2025

SIDEE loo dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Sheekh Siraaji…?

Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Sheekh Siraaji ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Faahfaahinta laga helayo dilka wasiirka ayaa sheegeysa inuu watay Gaari nooca Harrier ah isagoo marayay mid ka mida albaabada laga galo madaxtooyada, waxaana uu daba socday Gaariga Hanti dhowraha guud Nuur Faarax Jimcaale.

Ilaalada hanti dhawraha Nuur Faarax ayaa la sheegay inay ka shakiyeen gaariga kadibna iyagoo aan u  digin ay rasaas shiish ah ku toogteen darawalka gaariga ka danbeeyay oo ahaa wasiirka Siraaji.

Xabadaha ayaa meelo halis ah uga dhacay wasiirka, halkaasoo uu ku dhintay, waxaana goobta lagu qabtay ilaalada Hanti dhowrka ee dilka geystay, iyadoo caawa ay Muqdisho ka taagneyd muran ku saabsan  waxa laga yeelayo ilaalada dilka geysatay.


Rasaasta lagu riday gaariga uu waday Wasiir Cabbaas Siraaji ayaa ahayd mid si toos loogu talogalay in lagu dilo darawalka, waxayna shaki badan gelineysaa in loogu talogalay in la ogaa inuu wasiirku wado gaariga, taasoo baaritaankeeda uu socdo.

Dad badan ayaa si weyn uga naxay dilka wasiirka ugu dhalinta yaraa xukuumadda Soomaaliya oo ahaa mid rajo geliyay dhalinyarada, waxaan caawa meydkiisa dul tegay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo tacsi u diray eheladiisa iyo umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isna soo gaabiyay safarkiisii Itoobiya isagoo ka qeyb qaadanaya tacsida wasiirka la dilay iyo aaskiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON