Wednesday, July 9, 2025

Sidee looga ciidayaa Soomaaliya iyo dunida Muslimka? (WARBIXIN CIIDUL FITRIGA)

Wasaarada Awqaafta iyo Diinta Dowladda Federaalka ayaa shaacisay inay maalinta beri ah ee Jimcaha ay ku beegan tahay 1-da Bisha Shawaal oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul fitriga (Soonfur). Agaasimaha Guud ee Wasaarada  Sheekh Kheyroow Aadan Muqdisho uga dhawaaqay arrintan.

Ciid

Meelo kala duwan ayaa la sheegay inay laga arkay Bisha Shawaal gudaha dalka Soomaaliya sida:

SOOMAALIYA

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah culimada ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in magaalo 100 km u jirta Laascaanood lagu arkay bisha.

Qof kale oo ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in 11 qof oo uu ku kalsoonyahay ay arkeen bishii Shawaal.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa isna sheegay in culimada xiriiro kala duwan la  sameeyeen ay u caddaatay bishii la arkay.

Qor kale oo isna ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegay inuu  arkay bishii Shawaal.

Somaliland, Maamulada Puntland, K/Galbeed iyo Juba ayaa beri laga ciidayaa balse  kooxda Ahlu suna ayaa la filayaa inay degaanadeeda ka joojiso ciida ayna ciid u noqon doonto Sabtida.

DUNIDA ISLAAMKA

Dhinaca kale dalalka islaamka ayaa dhawaaqay inay beri tahay ciid, dalalka ay beri u tahay ciida waxaa ka mida:

Sacuudiga

Qatar

Maleysia

Indonesia

Gini, Konakari

Masar

Lubnaan

Turkiga

Imaaraadka Carabta

Kuweyt iyo Sunada Ciraaq

iyo dalal kaloo fara badan, jaaliyadaha muslimka ee Yurub iyo America ayaa sidoo kale berito ciidaya.

Dhageyso heesta ciida & Maxamed Suleymaan tubeec

Goobjooge.

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON