Wednesday, June 25, 2025

Sidee Madaxweynaha u fashilin karaa Mooshinka laga keenay..? (Akhri warbixinta xasaasiga ah ee Goobjooge.com)

Sida Goobjooge.com ka soo xigatay Khubaro dhinaca sharciga ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga fadhiyaa inuu dagaal siyaasadeed iyo mid sharci ah la galo xildhibaano ay saaxiibo hore ahaayeen oo hadda mooshin xil ka qaadis ah isaga ka keenay.

Jawari-hassan-ceydid

Mooshinkan ayaa  gebi ahaantiisba ku tiirsan labada mas’uul ee kala ah:

  1. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)
  2. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf

Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo la ogyahay in Madaxweynaha ay aad isugu dhow yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan oo noqon doona halka madaxweynuhu taageerada ugu badani ka heli doono si mooshinkan loo fashiliyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sharci darro ka dhigi karaa Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha, taasoo loo mari karo in loo diro Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, taasoo bedelkeed hadda la adeegsan karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare haddii markaas madaxweynuhu isku hubo Ceydiid Ilka-xanaf.

Inkastoo xiriirka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ceydiid Ilk-xanaf aanu wanaagsaneyn muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa hadda la aaminsan yahay in labada nin si weyn isku fahmi karaan marka ay timaado dhaqaale iyo difaac siyaasadeed.

Dad badan ayaa aamisan in madaxweynaha markan ay fududahay inuu mooshinkan ka adkaado, isagoo aan u baahneyn inuu xildhibaano badan laaluush siiyo ee kaliya looga baahan yahay inuu is afgarad la gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON