Sunday, July 27, 2025

Sidee Soomaalida u noqotay Dadka ugu badan ee Cudurka Coronavirus ugu dhintay Dalka Sweden..?

Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa noqday qowmiyada ugu badan ee u geeriyootay cudurka Coronavirus dalka Sweden, sida laga soo xigtay ururka dhaqaatiirta dalkaasi.

Sweden ayaa ilaa hadda waxaa cudurka COVID-19 ugu dhintay 33 qof, iyadoo magaalada Stockholm ee caasimadda ay ku dhinteen 15 qof, waxayna warbaahinta dalkaasi sheegtay in 6 ka mida dadkaasi ay Somali-Swedish yihiin, sida laga soo xigtay ururka dhaqaatiirta Soomaalida ee dalka Sweden.

Jihaan Maxamed oo ka mida ururka dhaqaatiirta Soomaalida ee dalka Sweden ayaa sheegtay in inta badan dadka u dhintay cudurka Coronavirus ay qabeen cudurro kale, laakiin markii oday 60 sano jir ah oo Soomaali ah u dhintay cudurka Axadii ay si weyn uga naxeen dadka.

Shan ka mida Soomaalida dadlka Sweden ugu geeriyootay waxay ku noolaayeen degaanka Järva, ee Waqooyiga magaalada Stockholm, iyadoo ay xaalada uga sii dartay Soomaalida oo is dhexgalkoodu badan yahay, wax taxadar ahna aan ka muujin cudurka, taasoo ah sababta degdegga ugu faafay goobaha ay ku nool yihiin.

https://youtu.be/nQy7JPWdUr8

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON