Soomaalida oo dhan oo ay ugu horeeyeen siyaasiyiinta is khilaafsan iyo maamulladooda waxay ku Midoobeen tacsida loo dirayo Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaaraha Somaaliya, kuna geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Soomaalida Itoobiya 8-da Oktoobar 2020.
Madaxweynaha Federaalka, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, madaxweynayaashii hore, wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo shaqsiyaadka caadiga ah waxay baraha bulshada iyo warbaahinta ka buuxiyeen tacsi iyo amaan ay u jeediyaan Marxuumka, waxaana meel waliba lasoo dhigay muuqaallladiisa iyo taariikhdiisii nololeed, iyadoo aan hoos loo eegin xaaladda uu ku dhintay oo ahayd daryeel la’aan caafimaad.
Waxa kaliya Soomaalida u soo haray ayaa muddooyinkii danbe noqday Tacsi qofkii dhinta loo diro iyo hambalyada qofkii xil loo magacaabo, waxayna noqdeen waxa ugu xiisaha badan ee lagu tartamo, waxaana caadi ah in Aas Qaran loogu dhigo halkii uu maamuuska Qaran ka waayey.
Marxuum Dr. Cali Khaliif wuxuu ahaa siyaasi aad uga duwan siyaasiyiinta kale ee xilligan, wuxuuna lahaa tilmaamo u gaara oo ay ka mid yihiin:
1- GO’AAN ADAG
Marxuum Prof. Cali Khaliif wuxuu ahaa siyaasi go’aan adag leh oo aan ka baqan hadba talada uu goosto inuu ku dhaqaaqo, wuxuu noqday madaxweyne dowlad Goboleedka aan la aqoonsan ee Khaatumo, wuxuuna hirgelinta maamulkaasi u maray dhibaato badan iyo dagaallo ay la gashay Somaliland, wuxuuna ku danbeeyay inuu heshiis la galo Madaxweynihii Somaliland Axmed Siilaanyo Oktoobar 2017, inkastoo aan weli la fulin.
Cali Khaliif wuxuu qeyb ka ahaa qorshe lagu doonayey in lagula dagaalamo 4.5 iyo xilka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee u xiran beelaha Daarood iyo Hawiye si aan sharci ahayn. Doorashadii 2012 wuxuu isu sharxay Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna ku sigtay inuu xilkaasi ku guuleysto, isagoo wareegii koowaad helay 77 Cod, halka Prof. Maxamed Sheekh Jawaari oo la tartamayey uu heley 119 cod, balse Cali Khaliif ayaa ka tanaasulay wareegii labaad.
2– HADAL AAN LALA GANBAN
Cali Khaliif ma ahayn nin ka baqa bareerihiisa, wuxuuna ku caan baxay in fekerkiisa aanu la ganban si kastoo uu u qaraar yahay, waxaana laga qoray hadallo aad u adag oo beeleed iy kuwo siyaasadeed tan iyo markii la dhisay dowladii uu Ra’iisal wasaaraha ka noqday.
“Anigu Cali ahaan ma jiro mansab iyo dhaqaale aan ka rabo Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto… Waxaa ii muuqata Somaliland iyo hoggaanka maanta jooga Soomaaliya haddii aysan ka fiirsan arrimaha gobollada Sool, Sanaag iyo Boorame iyo Darafyada haddaan laga fiirsan wax aynu Xamar niraahno waan ula doodeynaa oo nagala dhageysanayaa ma jirto… Waa naal laayey sow maaha..? Waar Somaliland waa na leysay.. qabaa’il iyagoo ah iyo iyagoo ciidamo ah ayey na laayeen oo hubkii Somaliland magaalooyinkeena kusoo galeen.. Waar anagaan ku heysan Maxaad noo leyseen..? Anagaa rabna Somaliland oo dantayada ka aragna.. meel kale oon ku doorsaneyno ma jirto.. Cidda oraneysa Cali Khaliif yuu wataa .. Dhulbahantaba lama socdee.. waa been.. Somaliland iyo Reer Sheekh Isaaq marti uma noqoneyso ama wax baan wada yeelaneynaa ama waxba isuma nihin..” -Hadalkan wuxuu Cali Khaliif ka jeediyey dood cilmiyeed ka dhacday magaalada Burco 18 Apri 2019.
3- SOOMAALIYA, KHAATUMO & SOMALILAND
Allaha u naxariistee Cali Khaliif Galeyr waa siyaasiga kaliya ee noqday Ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State (maamul ay si isku mida uga horjeedaan Somaliland iyo Puntland) iyo Somaliland uu markii ugu danbeysay uu hesiis la galay, sheegayna inuu ku qanacsan yahay.
GABAGABO
Nin heerka ugu sareeya ka gaaray aqoonta (PHD), siyaasadda heerka ugu sareeya ee Ra’iisal wasaare ka noqday, haddana ka shaqeeyay danaha Soomaalida iyo degaanada uu kasoo jeedo.. waxaa Cali Khaliif Galeyr lagu xusuusan doonaa inuu ahaa siyaasi hal adag oo Soomaalida uu ku yar in laga helo.
GOOBJOOGE
