Wednesday, July 9, 2025

Sidee Xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya u fasaxday Qaadka ka yimaada dalka Kenya..?

Xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay fasaxday Qaadkii ka imaaneyay dalka Kenya oo la joojiyey Bishii Maarso cudurka Coronavirus dartiis.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii shalay ee Golaha Wasiirada ee shalay lagu fasaxay Qaadka ka imaanayey Kenya, balse ay ka gaabsadeen inay shaaciyeen; waxayna warbaahinta Kenya shaaciay in Berri oo sabti ay dib loo bilaabi doono Duulimaadyada diyaaradihii Qaadka ee ka imaan jiray dalka Kenya.

Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa Warbaahinta dlkaasi u sheegay in sheegay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen keenista Qaadka, ayna Qaadka dib u fasaxday dowladda Soomaaliya fasaxday, balse shuruud lagu xiray shuruudo dhowr ah oo ay ka mid tahay in aad loo kordhiyey canshuurta Qaadka laga qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay kordhisay canshuurta laga qaado Qaadka ka yimaada Kenya , lagana dhigo 1-kg ($-3.5) halkii markii hore ay ka aheyd ($-1) iyo in sidoo kale dadka Qaadka iibiya ay kala fogaadaan 2 mitir, xirtaana gacmo gashi iyo weji xir si looga hortago xanuunka COVID-19.

War kaan kasoo baxay Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa weli Dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadlin, waxaana muuqata inay canshuur ahaan faa’iido weyn ka heli doonto dowlada Federaalka oo kharashka gudaha uu is dhimay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON