Sii-hayha Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa soo saaray go’aan dalka looga saarayo madaxii hay’adda care International ee xafiiskeeda Soomaaliya Imaan Cabdulaahi.
Qoraal kasoo baxay wasiirka waxbarashada ayaa lagu caddeeyay in madaxa Hay’adda Care aan laga rabin inuu dalka kasii sahqeeyo. “Waxaan la socodsiinay mas’uuliyiinta dowladda, deeq bixiyeyaasha iyo sidoo kale la-hawlgalayaasheena waxbarashadda, go’aanka deg-dega ah oo aan kaga saarayno Soomaaliya wakiilka hay’adda Care International.” ayaa lagu yiri qoraalka wasiir Goodax
Wasaaradda waxbarashada ayaa ku eedeysay agaasimaha fulinta Care Imaan C/llaahi inuu iska indho tiray siyaasadaha dowladda isla markaana uu xiisado ka dhex abuuray dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.
Go’aankan ayaa la sheegay inuusan ahayn go’aan ku yimid si fudud, balse ay dhowr jeer isku dayeen inay hagaajiyaan xidhiidhka sii xumaanayay ee wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda Care international.
