Haweeneydii afduubka loogu heystay Soomaaliya ee u dhalatay dalka Talyaaniga Silvia Romano ayaa la sheegay inay qaadatay diinta islaamka, kadib markii iyagoo xijaab xiran ay maanta dib ugu laabatay dalka Talyaaniga.
“Aad ayaan u fiicanahay.. jir ahaan iyo maskax ahaan.. hadda waxaan doonayaa inaan waqti la qaato qoyskeyga.. waan ku faraxsanahay inaan dib u soo laabay waqtigaas dheer kadib” ayey tiri Silvia Romano sida lagu baahiyey muuqaal uu daabacay wargeyska Corriere della Sera.
Wakaalada wararka Talyaaniga oo soo xigatay ilo Sirdoon ayaa sheegtay in Silvia Romano oo 24 sano jir ah ay qaadatay diinta Islaamka intii afduubka lagu heystay, waxayna sheegtay inay iskeed u qaadatay islaamka, iyadoo aan la qasbin, ayna marka hore arrintan kala hadli doono qoyskeeda.
Haweeneydan ayaa bedeshay magaceeda, waxayna la baxday magac cusub oo ah “CAA’ISHA”, sida ay qoreen warbaahinta Talyaaniga, iyadoo isbedel weyn ku dhaay nolosheeda, waxayna baarayaasha Talyaaniga u sheegtay inaan guur lagu qasbin, markii ay Qur’aanka akhrisayna ay ku qanacday diinta islaamka.
Haweeneydan oo Novembar 2018 dabley Alshabaab gacansaar la leh ka afduubteen dalka Kenya ayaa lagu sii daayey howlgal aan faahfaahin badan laga bixin oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Talyaaniga, Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana lagu heysay degmada Afgooye, iyadoo maanta dib ugu laabatay dalkeeda oo lagu soo dhoweeyay dalkeeda.
