Dowladda Soomaaliya ayaa heshay liiska ciidanka taabacsan Khilaafada Islaamiga ee Suuriga iyo Ciraaq (Daacish), kana howlgala Soomaaliya.
Liiskan ayaa ka mid ahaa Gaari qarax loo diyaarinayay iyo 7 Kombiyuutarada Laptop-ka ah oo ay xalay soo qabteen ciidamada Booliska Muqdisho.
Warqado ay ka muuqdeen liiska ciidamada Daacish ee Soomaaliya ayay soo bandhigeen ciidanka waxaana ugu horeeya nin lagu magacaabo:
- Cabdirisaaq Sheekh Maxamed oo degan degmada Afgooye kana soo jeeda Beesha Garre,
Liiska ayaan intiisa badin loo bandhigin saxaafada, waxayna tani noqoneysaa jug weyn oo gaartay kooxdan dooneysa inay Soomaaliya fariisin ku yeelato.
Goobjooge.com