Friday, June 27, 2025

Sirta ku qarsoon Warsaxaafadeedkii Guddoomiyaha Baarlamaanka (Kashifaad)

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) 24-ka November saacado yar kadib markii uu qabsoomiu waayay kulankii saddexaad ee lagu doonayay in lagu bilaabo mooshinka muranka badan ka taagan yahay ee laga keenay Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay 10 qodob oo guddoonku kasoo saaray xaalada cakiran ee heysata Baarlamaanka Sooomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa war saxaafadeedkiisa ku qodobeeyay sooyaalka khilaafka madaxda sare ee dowladda iyo mooshinka ay keeneen 138 xildhibaan ee kalsooni kala noqoshada, wuxuuna ku celceliyay sida ay dadaalka ugu galeen in arrintan lagu dhammeeyo waanwaan balse lagu guul darreystay muddo saddex jeer ahna la furi waayay shirarkii Baarlamaanka.

Qodobka ugu muhiimsan qodobada 10-ka ah ee uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ah kan ugu danbeeya ee 10-aad oo labada dhinac ee iska horjeeda si isku mida marna uga careysiinaya marna ka fraxinaya, waxaadna mooda in si xirfad ah loo qoray.

Qodobkaas sida ka muuqata sawirka hoose, wuxuu marka hore ka hadlayaa:

[blockquote style=”4″]In mooshinka la qeybiyay kulankii saddexaad ee 24-ka bishan: Hadalkan waa midka ay u riyaaqeen kooxda mooshinka wadata ee madaxweynaha la safan, waxaana uu caddeynayaa in mooshinka ay u dhiman tahay oo kaliya dood iyo cod u qaadis. [/blockquote]

[blockquote style=”4″]Isla qodobkaasi wuxuu sheegayaa in la furi waayay shirka oo nidaamdarro baahsan ay ka jirto Baarlamaanka sidaas darteedna guddoonka Baarlamaanka uu go’aan ku gaaray in aan la guda geli Karin mooshinka inta xal loo helayo nidaam darrada ka jirta Baarlamaanka.[/blockquote]

 

Qodobkan wuxuu inta badan  saameyn ku yeeshay kooxda madaxweynaha taageersan ee keentay mooshinka maadaama la hakiyay in la sii wado dooda mooshinka, waxayna bilaabeen inay cambaareeyeen go’aanka Prof. Jawaari, laakiin qolada taageersan waxay durba muujiyeen taageero inkastoo ay ogyihiin in qiraalka Guddoomiyaha ee ah in la qeybiyay mooshinka ay dhabarjab ku tahay, ayna dhici karto in kulan kale oo buuq ah ku dhawaaqo guddoomiyaha in cod loo qaaday.

Mar wuxuu ku doodi karaa Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu hore u waday mooshinka sida uu heshiiska kula galay madaxweynaha, mar aklena wuxuu ku qancin karaa dhinaca taageersan Ra’iisal wasaaraha inuu hakiyay kulamadii mooshinka looga doodi lahaa. Tani waxay uun dib u dhigeysaa khilaafkii taagnaa ilaa muddo yar wayna caddahay inaysan dawo u noqon karin haddii aan isbedel kale imaan.

 

Goaanka-gudddoonka Baarlamaanka

 

Goobjooge.com

Muqdisho_Somalia

 

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON