Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya, kana mid ahaa musharixiinta mucaaradka dalka Kenya ayaa si kulul uga hadlay doorashada dalkaasi ka dhacday Talaadadii.
Jawaabtii ugu horeysay ee Faarax Macalin ka bixiyo natiijada doorashada Kenya oo kursigii uu ku tartamay looga guuleystay ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashada Kenya inay la jireen ninkii la tartamayay ee Aadab Barre Ducaale.
“Guddiga Doorashada Kenya ee IEBC waxay ahaayeen Ducaale, Ducaalena isagaa ahaa Guddi doorashada ee Gaarisa.. Waa maalin kale oo murugo u ah dimoqraadiyada Kenya” ayuu yiri Faarax Macalin oo farriin soo dhigay bartiisa twitter-ka kadib aamus dheer oo uu galay doorashadii kadib.
Adan Barre Ducaale ayaa mar kale ku soo baxay kursigii uu kula loolamay Faarax Macalin, taasoo ka dhigay inuu mar kale Faarax ku fashilmay doorashada guud ee Kenya.