Monday, July 14, 2025

Siyaasiga Yuusuf Xaaji oo digniin culus kasoo saaray dib u celinta Qaxootiga Soomaalida

Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo ka mida siyaasiyiinta Kenya oo ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida, isla markaana hore u soo noqday wasiir ayaa uga digay  dowladda Kenya inay qasab dib ugu celiso qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda jooga.

Mudanaha oo ka hadlayay xaflad ka dhacday  magaalada Gaarisa ayuu Yuusuf Xaaji sheegay in xaaladda Soomaaliya  ay tahay mid halis ah oo aan nabad buuxda ka jirin, isla markaana qaxootiga lagu celinayo ay ka faa’iideysan doonto Alshabaab oo ay maleeshiyo u qoran doonto.

“Qaxootiga waxay halkan joogeen 30 sanadood, waxay barteen afka sawaaxiliga iyo afaf kale, Waxay kaloo garanayaan gobollada dalka oo dhan, haddii qasab dib loogu celiyo Soomaaliya waxay ku biiri doonaan Daacish iyo Alshabaab” ayuu yiri Yuusuf Xaaji.

Wuxuu intaas ku daray in qaxootiga intooda badan ay si sharci darro ah ku qaateen waraaqaha aqoonsiga Kenya, taasoo ay dhici karto haddii ay Soomaaliya ku laabtaan inay ku biiraan dembiilayaasha kadibna Kenya ku laabtaan oo ay halis geliyaan.

“Haddii aad Soomaaliya qasab ugu celiso qaxootiga waxay ku biiri doonaan Alshabaab, waxaana Kenya dhici doona weeraro ka badan kuwii hore”.

Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa ku kala qeybsan dib u celinta qaxootiga Soomaalida oo gaaraya 330,000 ruux. Mudana laga soo doorto Ijaara Axmed Ibraahim Cabbaas ayaa isagu taageeray qorshaha dowladda Kenya ku dooneyso inay dib u celiso qaxootiga Soomaalida.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON