Sunday, July 13, 2025

Siyaasiyiin iyo xildhibaano tegay Garbahaarey & waawaan cusub oo ka bilaabatay Gobolka Gedo

Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa maanta tegay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo hore ay u sheegeen in laga hor istaagay. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, Jeneraal Cali Madoobe iyo Cabdi Shire Warsame  oo ka degay Garoonka  Magaalada Garbahaarey, iyagoo ka anbabaxay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamud Cali Magan
Xildhibaan Maxamud Cali Magan

Xubnahan ayaa si weyn uga horjeeda maamulka Jubba ee Axmed Madoobe, waxayna Garbahaarey u tageen dadaal cusub oo loogu jiro in xal loogu helo khilaafka ka taagan gobolka Gedo, kadib markii guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu keli ku noqday mucaaradka Axmed Madoobe iyadoo Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw-libaax ay tageen Kismaayo.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa dib u soo celiyay C/llaahi Fartaag oo Garbahaarey u yimid inuu wadahadal kale la furo Mr. Kaliil, arrintaas oo socon weydaym waxaana wafdiga hadda tegay Garbahaarey la filayaa inay qeyb ka noqdaan waanwaanta reer Gedo la galayaan Axmed Madoobe.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Imaan Cadow ayaa hadda ku jira aagga reer Gedo iyadoo dadka magaalada ay difaaceen markii  ciidamada Itoobiya ay damceen inay xiraan. Heshiis cusub oo suuragal ah in la galo ayaa laga digtoon yahay inuu la mid noqdo heshiiskii Doolow oo isu bedelay khiyaamo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON