Friday, June 27, 2025

Siyaasiyiin ka soo jeeda Gedo oo loo diiday inay tagaan Degmooyinka Gobolka Gedo

Ciidamada  Itoobiya ee fadhigoodu yahay gobolka Gedo ayaa u diiday inay degaanadaasi tagaan siyaasiyiin ka soo jeeeda degaankaasi oo doonayay inay booqdaan magaalooyinka Baardheere iyo Garbahaarey.

Cabdi-Madobe

Siyaasiyiinta loo diiday inay gobolka Gedo tagaan waxaa kamida:

Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Ali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) iyo Abdi Shire Warsame oo ah siyaasi iyo Danjire hore.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow labadan siyaasi waxay sheegeen in ogolaanshaha tegista gobolka Gedo ay Itoobiyaanka u diideen, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo maamulka Axmed Madoobe oo halkaasi wakiil uga yahay C/llaahi Fartaag aysan ogoleyn in siyaasiyiinta ka horjeeda maamulkooda ay degaanadaasi tagaan.

Ciidamada Itoobiya waxay dhowaan ka soo masafuriyeen xubnihii maamulka gobolka Gedo iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin:

  • Maxamed Abdi Kaliil
  • Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibaax
  • Maxamuud Sayid Aadan.

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa haddawax war ah ka soo saarin xaaladda ka taagan gobolka Gedo, iyadoo uu dhowaan booqday wasiirka gaashaandhigga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo shaaciyay inuu furan yahay garoonka diyaaradhaa Baardheere.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON