Monday, June 23, 2025

Siyaasiyiinta mucaaradka oo weji cusub u yeelay Lacagtii laga dhacay Bankiga Dhexe

Madaxda Siyaasadda ee xisbiyada furtay, qaarkoodna u sharxan yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay baaritaan lagu sameeyo lacagta laga xaday Bankiga Dhexe.

Musharaxa Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa hore u sheegay inaysan suuragal ahayn in qof shaqsi ah uu lacag ka dhaco Bankiga Dhexe, isagoo soo jeediyay in xilkaa laga qaado mas’uuliyiinta Bankiga Dhexe. [Akhri Warka]

Musharaxa kale ee C/raxmaan C/shakuur ayaa isna ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo arrinta lacagta lagala baxay Bankiga oo wax la is weydiiyo ay tahay xilliga ay ku soo beegantay ee ololaha doorasahada.

Kamaal Guutaale oo isna xisbi siyaasadeed madaxa ka ah ayaa ku doodaya in lacagta la xaday ay ka badan tahay inta la shaaciyay, wuxuuna dalbaday in fadeexadan si weyn loo baaro ilaa salkeeda la ogaado.

Arrintan farsamada ah ayaa hadda u muuqata inay isu bedeshay dood siyaasadeed iyo weji kale oo musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku weeraraan dowladda uu hogaamiyo Xasan Skeekh

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON