Xaaladda dalka Itoobiya ayaa cakiran kadib markii qalalaase iyo bannaanbaxyo rabshado wata ay ka qarxeen dalkaasi, taasoo ka dhalatay dilkii fannaankii caanka ahaa ee Oromadda Haacaaluu Hundeesaa.
Dadweynaha Oromadda oo isugu soo baxay magaalooyin badan ayaa geystay qas iyo xarumo la gubay, qaarna la boobay, waxaana dhulka las oo dhigay taallooyin waaweyn magaalooyinka Addis iyo Harar, iyadoo xaaladda ay tahay mid qasan.
Ciidamada Itoobiya ayaa xabsiga dhigay hoggaamiyaha mucaaradka Oromada Jawar Mohammed iyo siyaasiga kale ee Gerba Berkele, waxaa kaloo la xiray Warbaahinta Oromo Media Network. Dowladda Itoobiya ayaa hore u xirtay Khadka Internet-ka.