Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa shaaciyey in la waayey Bishii Ramadaan, Berrina ay tahay dhammaadka Bisha Shacbaan.
Wasiirka diinta iyo awqaafta ee Somaliland Sheekh Albaani iyo gudida ilaalinta bisha Ramadaan ee Somaliland ayaa sheegay in berri aanay ahayn Ramadaan, isla markaasina la dhamaystiri doono bisha Shacbaan.
Dhinaca kale Qaar ka mida masaajidda ku yaala magaalada Hargeisa ayaa laga tukaday Salaada taraawiixda, iyadoo dadka qaarkood ay iska dhega tireen warka xukuumadda Somaliland oo ay Soonka bilaabeen .
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka Iyo Dhaqan-celinta Puntland; Cawil Shiikh Xaamud ayaa shaaciyey inaan la arkin dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Saacado kadib ayay ka laabtay go’aankaasi oo ay sheegtay in la xaqiijiyey Bishii Ramadaan.
Dowladda Federaalka ayaa dhinaceeda sheegtay inay ku howlan tahay raadinta bisha ramadaan iyo xaqiijinteeda.
